Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda oo ku wajahan Adis ababa 

Date:

Muqdisho (SNTV) Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka  deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),
Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay  shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad .
Wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Ka hor kulamada wada hadalka deyn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay…
Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo maanta ay ka billaabaneyso diiwaangalinta codbixiyeyaasha golaha deegaanka

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan degmada Shangaani...

Xukuumadda oo war-murtiyeed kasoo saartay safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Khaatumo

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay laascanood

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka ee Maamulka SSC-Khaatumo ayaa xalay Magaalada...