Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda oo ku wajahan Adis ababa 

Date:

Muqdisho (SNTV) Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdigiisa ayaa Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka  deynta cafinta Soomaaliy (SMP4),
Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay  shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad .
Wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Ka hor kulamada wada hadalka deyn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay…
Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...