Beesha Caalamka oo soo dhaweysay shirka dib u heshiinta Galmudug:

Date:

Kooxda la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya sida African Union Mission in Somalia (AMISOM), Denmark, Ethiopia, European Union (EU), Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Sweden, United Kingdom, United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) iyo United States ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta ee dhowaan ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Beesha Caalamka ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen muhimadda geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay in ay tahay tallaabo muhiim u ah qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedka Galmudug.

“Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay oo aan bogaadinno dadaallada Ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si ay u isugu keenaan dhammaan bulshooyinka ” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa rajo ka muujisay wada hadallada Galmudug in ay noqdaan kuwa mirho dhal ah isla markaana Shirku uu asaas u noqdo dowlad mideysan, xasilloon oo ka dhalata Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....