Guddiga amniga ee Golaha Shacabka oo ka hadlay doorka Golaha ee la xisaabtanka hay’adaha nabadgelyada

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ahna ku-simaha Guddoomiyaha, Xildhibaan; Maxamed Cabdulle Faarax Geesey iyo Xildhibaan Axmed Ismcaaciil oo xubin ka ah guddiga ayaa waxay faah-faahiyeen doorka guddiga.

Mas’uuliyiintan oo marti ku ahaa Barnaamijka kulanka Todobaadka ee warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxay Shacabka ku boorriyeen inay muujiyaan kaalintooda kaga aaddan la shaqeynta laamaha amniga.

Xildhibaan;  Maxamed Cabdulle Faarax Geesey, ayaa ugu horeyn bogaadiyay guulaha laga gaaray dacwadda Soomaaliya ee dhanka Badda, dib u xoreynta degaannada ay ku sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab iyo dedaallada ay xukuumadda Soomaaliya ugu jirto arrimaha dib u heshiisiinta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan; Maxamed Cabdulle Faarax Geesey ayaa xusay inay kormeer ku sameeyaan hanaanka ay u socdaan howlaha amniga, kaddibna ay la wadaagaan Saraakiisha ay quseyso.

Xildibaan Geeseey ayaa soo jeediyay in laamaha ammaanka ay kalsooni dhow la yeeshaan Shacabka. Bulshaduna ay Gacan ku siiyaan sidii looga hottegi lahaa wax kasta oo nabadda wax u dhimaya.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil, oo xubin ka ah Guddiga amniga iyo arrimaha gudaha ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xagga amniga wax badan ka qabatay, balse loo baahan yahay in Shacabku ay door muhiim ah ka qaataan, maadaama cadowgu uu rayidka waxyeeleynayo oo uusan ahayn mid dibedda ka yimaada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...