Kheyre oo kala hadlay Ergada Galmudg danta guud

Date:

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, Ahlu Sunna, dhammaan bulshada reer Galmudug, ciidamada amniga sugaya iyo dhammaan intii gacan ka geysatay in geeddi socodaka dhismaha Galmdug dhammeys ah lasoo gaarsiiyo heerka uu maanta marayo, waxa uuna shirka u rajeeyay in uu guul ku dhammaado.

“Shirkaan caawa aan daah fureyno waa albaabkii laga gelaayay dowladnimada Galmudug…. Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo….Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Shir-weynaha ayaa inta uu socdo waxa ay reer Galmudug uga tashanayaan dhismaha dowad gobaleedka Galmudug iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo horseedda in maamulka ay dhisanayan uu noqdo maamul ku hoggaamiya wadada horumarka, xariir wannaagsanna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bishii June ee sannadkaan waxa uu deegaannada Galmudug ka bilaabay dadaal gundhiggiisu ahaa ka guul gaaridda geeddi sococdka qorshaha reer Galmudug ay ku dhisanayaan dowlad gobaleed dhammeys ah oo loo simanyahay, wanaana dadaalladaas soo dhaweeyeeyay beesha Caalamka, reer Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...