Golaha Wasiirrada KG oo Maanta ka hadlay soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo ammaanka

Date:

Kulanka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta dhacay Caasimadda ku meel gaarka ah ee Baydhabo.

Shirka oo uu Guddoominayay Madaxweynaha KG, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xaaladaha guud ee amniga iyo qaban-qaabada soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka oo lagu wado in uu Maalmaha soo socda halkaasi booqdo.

Wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Isaag Cali Subag, ayaa ugu horrey laga dhageystay warbixin ku aaddan nabad gelyada guud ee Gobollada Koofur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna sheegey in Ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa Darawiishta ee maamulkaasi ay wadaan howl-gallo lagu baacsanayo haraadiga Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dhuumaalaysiga ku jira.

Ugaas xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta ee maamulka Koofur Galbeed ayaa isna ka hadlay halka ay marayso qaban-qaabada loogu jiro soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo lagu wado in uu Baydhabo booqdo marka uu soo xirmo shirka haatan ka soconaya magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Kheyre iyo wafdigiisu ay booqan doonaan qaar ka mid ah Degmooyinka Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellada hoose, si uu ugu kuur galo xaaladaha guud ee degaannadaasi.

Amniga Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo halkaasi laga dareemayo qaban-qaabada iyo diyaar garoowga xooggan ee loogu jiro imaanshaha Ra’iisul wasaaraha Dalka, mudane; Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo Maalmaha soo socdo lagu wado in uu halkaasi gaaro.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan tabinta doorashooyinka oo laga furay Baydhabo

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer shaqo ku tegay Deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi...