Dowladda Soomaaliya oo mar kale ka hadashay dhibaatada lagu hayo muwaaddiniinteeda ku nool Koofur Afrika

Date:

Wasirrka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (maareeye), ayaa sheegay in ay madaxda Koofur Afrika kala hadleen dhibaatada lagu hayo Dadka Soomaaliyeed ee Dalkooda ku ganacsada.

Wasiirka oo u warramayay warbaahinta Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in kacdoonnada shisheeye nacaybka ah ee haatan halkaasi ka socda iyo kal horeba ay u sheegeen Dowladda Koofur Afrika in ay damaanad qaaddo Dadka Soomaaliyeed ee sida sharciga ah ku deggen waddankeeda laguna dhibaataynayo.

Wuxuuna Wasiirku intaa raaciyay in ay shaqaalaha Safaaradda amreen in ay Dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan ay ka caawiyaan waxyaabaha ay u baahan yihiin lana wadaagaan hadba caqabadaha soo wajaha.

“Adduunka Beryahan dambe meel kastaba ha joogee Ajaaniib nacaybka waa wax jira, laakiin Dowladaha ayay masuuliyaddu saran tahay in ay damaanad qaadaan amniga Dadka Dalkooda ku nool iyo hantidooda in la badbaadiyo”,ayuu yiri Wasiirku.

Mudane; Maareeye, ayaa xusay in Koofur Afrika ay ka mid tahay Waddamadii ay Soomaaliya lasoo hoysay gobannimada ay Maanta haystaan, hanti bandanna ay kaga baxday sidii ay xornimo u gaari lahaayeen, isla markaana aysan mudnayn in laga abaal dhaco.

Wasiirka ayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo tan Koofur Afrikaba xusuusiyay halgankii ay Soomaaliya la Garab taagnayd Ururradii gobannima doonka Koofur Afrika, isagoo sheegay in ay qaddiyaddooda la mid ahayd tan muwaaddinta Soomaaliyeed, wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin Dad iyo Dal aannu u Dhiig baxnay.

Mudane; Maareeye ayaa mar kale ku celiyay in ay la xiriireen kana war sugayaan madaxda Dowladda Koofur Afrika, wuxuuna sidoo kale Shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan usoo jeediyay in ay ka fogaadaan meelaha ay rabshaduhu ka jiraan isla markaana ay muujiyaan taxaddar dheeri ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Shirweynaha 6-aad ee hal-abuurka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Shirka Golaha Wasiiradda oo lagu ansixiyay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan kula yeeshay Zoomka deeq-bixiyaasha caalamka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa...

Golaha Shacabka oo ansixiyay Heshiiska Aas-aasida Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...