Cumar Filish: Duqa Muqdisho oo Maanta Dhagax-dhigay Dhismaha Cusub Ee Xarunta Maamulka Degmada Shibis ‘Sawirro’

Date:

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Shibis oo dib-u-dhis iyo ballaarin lagu sameynayo, si loogu adeego bulshada Caasimadda.

Guddoomiyaha oo munaasabadda dhagax-dhigga ka hadlay ayaa sheegay in muhiimad weyn ay leedahay dib-u-dhiska lagu sameenayo xarunta degmada Shibis, shacabka ku noolna ay ka heli doonaan adeegyada ay uga baahan-yihiin Dowladsa Hoose, Isagoo xusay in ay ka go’an tahay daadajinta maamulka si loogu dhaweeyo shacabka.

“Si shacabka loogu dhaweeyo dowladnimada waxaa mar walba naga go’an in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, idinka waxaa la idinka rabaa kaalintiina inaad qaadataan oo dib-u-dhiska dalkiina u istaagtaan ”.

Sidoo kale Maamulka Degmada Shibis ayaa sheegay in ay ka go’an tahay gaarsiinta shacabka adeegyadii kala duwanaa ee laga heli jiray degmada, isla markaana xarunta loo dhisi doono qaab casri ah.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta heer Gobol, heer Qaran iyo dadweynaha ku nool degmada Shibis.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...