R/wasaare Ku-xigeenka oo Muqdisho Ku Soo Xiray Shir Sanadeedkii Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka iyo Kuwa Dowlad Gobolleedyada

Date:

Muqdisho (SNTV) R/ Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa soo xiray Shir Sanadeedkii Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

Hanti-dhowraha guud ee Qarankaย  Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayay xiritaanka kulan Sanadeedka Xafiiska Hanti-dhowraha dalka ayaa sheegay inay Baaris ku sameeyeen 25 Wasaaradood iyo Shan ka mid Hayโ€™addaha Amiga,arrintaasย  oo uu sheegay in ayย  qeyb ka tahay nimaadka Maaliyadda dalka iyo sidii loo ilaalin lahaa Hantida-Qaranka.

Raโ€™iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleda (Qadar) ayaa bogaadiyay wadashaqeynta Xafiisyada Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka,waxaa kaloo intaas uu ku daray in lagama maarmaan ay tahay in laga shaqeeyo Hormarinta dalka.

Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Qaran ayaa haatan horyaala Golaha Aqalka Sare, waxaana uu sharci rasmi ah noqon doonaa markuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu saxiixo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale