Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysanayaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeyaasha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale qalinleyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo doorkooda dib u dhiska dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...