Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika oo dhallinyarada u qabatay kulan ciyaareed saaxiibtinimo

Date:

Safaaradda Soomaaliyeed ee K/ Africa ayaa qabatay ciyaar kubadda cagta ah oo loogu talagaly is dhexgalka dhalinyarada Soomaalida eek u dhaqan dalkaasi..

Ciyaartaan oo magaalada Johannseburg ku dhexmartay ciyaartooy kubadda cagta ah oo matalayey Johannseburg iyo Pretoria,waxaa ka qeybgalay madaxda safaaradda,kan Qunslka iyo dadweyne kale.

Safiir ku xigeenka ahna Qunsulka Safaaradda Cali Maxamed Sheikh ( Cali Bagadi ) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu ciyaartan xafiiskiisu ugu talagalay isbarashada bahda isboortiga ,isagoo  ballan-qaaday inay Safaaraddu ay  sii wadi doonto sidii ay u sii ballaarin lahayd tartamada,isla markaana loo gaarsiin lahaa Gobolada ay Soomaalida u badan tahay ee Koonfur Afrika.
C/qaadir Axad Dhaqane ayaa soo sheegay in Qusulka uu koob guddoonsiiyay kooxii ka socotay Johannseburg ,ka dib markii hal gool ay kaga adkaadeen kooxdii kale eek a socotay Pretoria .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...