Ciidamo Boolis ah oo gaaray Dhuusamareeb.

Date:

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda shirka dib-uheshiisiinta Galmudug ayaa ka socota magaalada Dhuusamareeb,halkaasi  oo ay gaareen ciidamo dheeraad ah oo ka socda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan booliska dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.,si ay uga qeybgalaan  adkeynta ammaanka magaaladaasi  oo martigelinaysa shirka dib uheshiisiinta Galmudug.

Ciidamadan ayaa ka howlgalaya xarunta lagu qabanayo shirka iyo garoonka diyaaradaha,si ay u xoojiyaan ciidamada ammaanka magaaladaasi.

Ammaanka magaaladaasi Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu kordhiyay sugidda nabad geliyada magaaladaasi,sida uu ku soo waramayo wariyaha Warbaahinta Qaranka  Maxamed Deer Cabdi Maxamed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukkuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dhismaha Galmudug loo dhanyahay,iyadoo gudigii dib uheshiisiinta uu shirar kala duwan uu la qaadanayo dhinacyada ay quseyso Arrinta Galmudug

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...