Mashruuc lagu dhiirigelinaayo dalagga Bariiska oo ka socda Jowhar

Date:

Wasaaradda Beeraha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa wada dadaal macno leh oo ganacsatada iyo bulshada lagu baraarujinaayo in ay ka qeybgalaan dhiigigelinta nuucyada kala duwan ee wax soo saarka dalagyada,gaar ahaan  bariiska oo kaalin muuqata ka galay tijaabooyin lagu sameeyay debgada Jowhar.

Wasaaradda oo kaashaneysa aqoonyahano dhinaca beeraha ah iyo iskaashatooyinka beeraha Shabeelaha dhexe ayaa sameeyay  tijaabada ilaa 7-nuuc oo bariis ah, kuwaas oo la ogaaday inay si wanaagsan uga baxayaan degmada Jowhar, hadii la kobciyo cilmiga abuurka iyo xanaanadiisaba.

Ilaa 50-beerood oo ku yaalla hareeraha Jowhar ayaa hadda waxaa ku beeran nuuyo kala duwan oo Bariis ah, inkassstoo beeralaydu ay wajahayaan caqabado ay ka mid yihiin xagga waraabka,qalabka iyo xirfadaha  oo aad u yar..

Cabdi Aadan oo ah khabiir dhinaca beerah iyo Xasan Ibraahim Cali oo bartay cilmiga beeraha ,kana  mid ah howlwadeenada beeraleyda bariiskaa yaa sheegay in wax soo saarka Bariiska uu marayo meel wanaagsan ,isla markaana uu ku xiran yahay xirfad sare oo dhinaca waraabka ah, iyo in uu helo cimilo ku haboon

Tijaabinta in bariis lagu beero dhul beereedka Jowhar waxa uu ku bilowday mashruuc Shiinuhu sameeyey sanadii 1957-dii,waxaana tallaabadasi sii xoojiyay dowladdii hore ee Mileteriga,inkastoo  weli aan la sameyn mashruuc ballaaran oo xagga wax soo saarka Bariiska ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...