Muhaajiriin ku go’doonsanaa Badda oo qabilaad ka heley dalal Yurub ka mid ah

Date:

Lix dal oo ka tirsan qaaradda Yurub ayaa oggolaaday 356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go’doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugnaa iney qaabilaan, muhaajiriinta oo in mudda ahba laga hortaagnaa iney Talyaaniga iyo Malta ay galaan.

Muhaajiriinta intooda badan oo ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa billaabay damaashaad iyo heeso marki ay mqaleen in la qaabilayo,Ciidamada badda ee Jaziiradda Malta ayaa muhaajiriintaasi soo badbaadiyey oo markabkooda ku hayey,balse Malta waxay diidday iney halkaasi ku sii sugnaadaan.

Dowladaha Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Rumaaniya ayaa oggolaaday iney muhaajiriintaasi qaabilaan.

Hay’adda samafalka ee SOS Méditerranée, oo Faransiiska laga leeyahay ayaa si weyn uga howlgashay sidii dadkaasi loo qaabili lahaa, iyada oo waddamada Yurub baaq u jeedisay marki ay muhaajiriinta badda laba toddobaad ay markab badda taagnaa dushiisa ku sugnaayeen.

Waxay hay’adda baaqeeda ku sheegtay iney dad u dhimanayaan nidaamka qaabilaadda muhaajiriinta oo meel looga dhacay dartii.

Dadka burcadka ee dadka tahriibiya ayaa weli sii wada howlahooda tahriibinta oo ay sida weyn ugu macaashaan tahriibayaasha qaaradda Afrika ka soo jeeda ee doonaya iney Yurub gaaraan.

Dalka Liibiya ayaana waddanka ay dadkaasi marin ahaan u adeegsadaan,balse waa dal rabshado iyo qalalaasyo colaadeed ay hareeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...