Golaha Wasiirrada Oo Magacaabay Taliyaasha Difaaca, Nabad Sugidda, Booliiska Iyo Asluubta

Date:

Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay taliyaasha ciidamada Difaaca, Nabad-sugidda, Booliiska Iyo Asluubta.

Golaha wasiirrada oo ka jawaabaya soo jeedinta wasaaradaha difaaca, amniga gudaha iyo cadaallada ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay magagaabista taliyayaasha ciidanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage, taliyaha Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa loo magacabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyaha Booliiska ayaa loo magacaabay Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyada oo taliyada ciidanka Asluubta loo magacaaby Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...