wasiirka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh oo gaartay magaalada Baydhabo

Date:

Wafdi ay hoggaaminayso wasiirka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh oo gaartay magaalada Baydhabo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo.

Garoonka diyaaradaha Waxaa ku soo dhaweyeye mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale, waxaana Xubnaha wafdiga ay iskugu jireen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,agaasimaha Guud ee wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda Tamarta iyo Khayraadkla Biyaha Soomaaliya.

Ujeedka safarka wafdigan ay hoggaaminayso wasiir Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa ah ka qeybgalka shir ku saabsan arrimaha Tamarta Soomaaliya oo 20 bishan ka furmi doona magaaladaasi Baydhabo,kaasi oo u dhexeeya wasaaradaha Tamarta Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.

Shirkan lagu wado in uu ka furmo baydhabo Ayaa waxaa uu socon doonaa mudo afar Maalin ah oo ku eg 24-kan bishan waxaana Lagu eegi doonaa tayeenta awoodaha tamarta Iyo waxaa u qabsoomay wasaaradaha Tamarta Iyo kheyradka biyaha dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada Dalka.

Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa horey u balanqaaday sidii ay u dardargelin lahayd holwha adeegyada muhiimka ah ee bulshadu uga fadhiyaan wasaaradda Tamarta,waxaana jira mashaariic kaladuwan oo horumarineed oo ay hormuud ka tahay wasaaradda,kuwaasi oo loogu talagalay in bulshadu ay ka faaideystaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...