Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Sida Qeybta 60-aad oo Ayidday Xukun dil ah oo lagu Ridday Gacan Ku Dhiigle C/raxmaan Cali Xasan (Sugow)

Date:

Baydhabo (SNTV) Kadib racfaan ee ka qaateen Maxkamadda Ciidamada qeybteyda 60-aad, D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan Sugoow oo 40-jir ah ayaa ka soo hormuuqday goobta uu fadhiga maxkamadda sarre ciidamada ee ku qaadeysay dacwadaha, waxaana goob joog ka ahaa qareeno difaacayay eedeeysanayaasha.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Q-60 ayaa horey ugu riday xukun dil ah Racfaanle D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan Sugoow oo loo heystay dilka marxuum Maxโ€™ed Xasan Maxโ€™ed Weeydhaan.

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida Q-60aad ayaa horkeenay maxkamadda cadeeymo dheeri ah, qiraal muujinaayo inuu galay danbiilaha eedii lagu soo oogay iyo sidoo kale maarkhaatiyaashii ku marag furay eedeysanaha dhammaan waxay kahor cadeeyeen in racfaanle C/raxmaan Cali Xasan Sugoow uu galay danbigaas.

Doodii dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenadii difaacayey eedeysanaha kadib waxaa fursad loo siiyey racfaanlaha inuu ka jawaabo suโ€™aalo garsoorka uu weydiiyey kuwaasooย  dhammaan kusaabsanaa eeda loo heystay.

Intaas kadib Maxkamadda Sarre ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa ku raacday xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka sida Q-60-aad horay ugu xukuntay D/le NISA C/raxmaan Cali Xasan Sugoow oo ahaa dil toogasho ah ahna qisaasta marxuum Maxโ€™ed Xasan Maxโ€™ed Weeydhaan.

Dhanka kale Maxkamadda ayaa sidoo kale u fariisatay dacwada racfaaanle D/LE Darwiish Xuseen Cali Macalin iimaan Gurey oo 23jir ah iyo racfaanle D/LE Xoogga C/waaxid Cali Sheekh Aadan 23jir ah kuwaasoo ku eedeysnaa dilka marxuum Muxudiin Maxamed C/raxmaan kaasoo ka dhacay beer kutaala duleedka magaalada Baydhabo

Maxkamada derajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Q-60 aad ayaa horey ugu xukuntay dil toogasho ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale