Madaxweynaha KG Oo Amar Ku Bixiyay in La Soo Xero Dadka Lagu Tuhmayo Dilalkii Ka Dhacay Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Magaalada Baydhabo kuwaas oo loo dilay aano qabiil sida la sheegay.

Madaxweyne Laftagareen oo ka qeyb galay aas shalay galinkii dambe loo sameeyey Allah u naxariistee Siyaasi hore Cali Aadan Marguus ayaa sheegay in Maamulku talaabo adag ka qaadi doono dadka aanooyinka qabiil dadka u dila.

Waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Amniga ee Magaalada Baydhabo uu ku amray inay wax ka qabtaan dadka qoryaha ku dhex wata Baydhabo kuwaas oo waliba sida sharci darada ah u dhaqma.

“Kuwa dilalkan oo geysanaaya oo sida xun u fekeraayo waxaan leenahay hadii aad dhibta kula soo noqotaan shacabka,lama aqbalaayo,nin aan ka tirsanayn ciidanka qalabka sida dhinacyadoodi kala duwan,kuwa amniga sugaya waxa aan ka ahayn laguma arki karo magaalada,waxaana amar ku bixinayaa in la soo qabto dadkii ka dambeyeey dilalkii dhacay”.ayuu yiri madaxweynaha K/Galbeed.

Maalintii shalay ayaa dilal siyaabo kala duwan waxaa ay uga dheceen magaalada Baydhabo nawaaxigeeda,waxaana kamid ahaa dadkii la dilay AUN Cali Aaadan Marguus oo kamid ahaa ganacsatada deegaankaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...