Banka Carafo Oo Maanta Ay Gudashada Xajka u taagan yihiin Malaayiin Muslimiin ah “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV) Iyadoo maanta ay ku beegantahay 9 Bisha Dulxaj ayaa malaayiin Muslimiin ah maanta waxaa ay taagan yihiin Banka Carrafo, si ay u gutaan Waajibaadka xajka .

Xujeyda Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay illaa 11-kun oo ruux, kuwaas oo nasiib u yeeshay in sanadkan ay soo xajiyaan,waxaana ay heleen adeegyo ka duwan kuwii hore,sioda uu ku soo waramayo Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Sucuudiga Cali Jaamac Cilmi (Cali Kuus).

Mas’uuliyiinta wasaraadda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya iyo Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jidah ayaa halkaasi kusugan,iyagoo sanadkan si gaar ah ula socda xaaladda xujeyda Soomaaliyeed,si ay u qiimeeyaan adeegyada ay helayaan.

Muslimiinta sanadkan gudanaya waajibaadka xajka ayaa ka badan kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid tahay Somalia.

Dowladda Dalka Sucuudiga ayaa si weyn u adkeysay amaanka Ammaanka xujeyda,iyadoo ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya ay soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka.

Waxaa la arkayay kumanaan qof oo muslimiin ah kuwaasi oo shkli ahaan isku muuqaal ah,islamarkaan xiran dharka cad,Sidoo kale waxaa gawaarida laga mamnuucay isticmaalka waddooyinka gala masaajidka barakeysan ee xaramka.

Istaaga buurta Carafo ayaa ah rugniga ugu muhiimsan ee Arkaanta xajka,sidasi darteedna dhamaan xujeydii ka qeybgashey ay halkaasi ku sugan yihiin,xiliga qorax dhaca ayaa u gudbidoona magaalada Mustalifa,hlkaasi oo ilaa waaberigii ay ku sugnaan doonaan si ay halkaasi uga uruursadaan dhagaxtuurka sheydaanka.

Maalinta beritu ah ayaa wadamada Islaamku waxaa ay isku diyaarinayaan dabaal degga maalinta koowaad ee Ciidul Adxa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...