Amniga Dhuusamareeb oo lagu wareejiyay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Date:

Waxaa Maanta oo Jimca ah si buuxda loogu wareejiyay nabad gelyada Magaalada Dhuusamareeb Ciidamada ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda amni wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka amniga gudaha , Maxamed Abukar Islow Ducaale iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug , Xildhibaanno heer Federaal ah iyo Guddiga qaban-qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu sheegay in howlaha Galmudug ay hadda marayaan meel wanaagsan, muddo Afartan Cisho ahna loo fadhiyay.

Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Soomaaliya Mudane ; Maxamed Abukar Islow (Ducaale), ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya amniga Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb ay si buuxda ula wareegtay.

Sh Maxamed Shaakir Cali Xassan ,Madaxa Golaha Wasiirrada Galmudug , ayaa isna sheegay in Ciidanka amniga sugaya maahane kuwa kale la geyn doono goobo loogu talagalay, si aysan u dhicin is bar-bar yaac , wax walba  oo quseeya amniga Caasimadana looga dambaynayo hay’adaha amniga
Soomaaliya.

Dr; C/raxmaan C/llaahi Baaddiyow,  oo ka mid ah Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug, ayaa isan goobta ka sheegay inay sugayaan eragadii ka qaybgalaysay Shirka, wuxuuna ugu baaqay in ay yimaaddaan Magaalada Dhusamareb.

Xildhibaan; Mahad Maxamed Salaad , ayaa sheegay inay qaadanayaan doorkooda ku aaddan Dhismaha Galmudug, maaddaama degaannada Galmudug isaga laga soo doortay.

Galmudug ayaa isu diyaarinaysa dhismaha maamul loo dhan yahay , waxaana hadda soconaya qaban-qaabadii ugu dambaysay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...