Ciidan lagu soo tababaray Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali (ammar dambe), ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Cutubka ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka oo tababar kusoo qaatay Dalka Turkiga

Wasiirka oo ay wehliyaan ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga ee Soomaaliya, ayaa Ciidanka ku bogaadiyay sida ay ugu Dhabar adeygeen tababarka ay soo qaateen.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamadan kaga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay tababarka u qaateen muddadii ay joogeen Dalka Turkiga

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas cabdi Xasan Maxamed Xijaal ayaa dowlada Turkiga kaga Mahadceliyay dadaalka adag ay ku bixineyso dhismaha ciidanka Xoogga Dalka

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya,Xasan Maxamed Cali waxa uu sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku howlan tahay dib udhiska Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Ciidanka soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa muddo ku dhow Sanad waxa ay tababar ku qaadanayeen Dalka Turkiga, waxaana jira dufcado kale oo iyaguna ka soo baxay Dugsiga Turk-Som ee Muqdisho iyo xarumo kale, kuwaas oo door buuxa ka qaadan doona la dagaallanka Argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Difaaca XFS oo shacabka Ceeldheer ku dhiirigeliyay in ay ka qeyb qaataan isdiiwaangelinta doorashada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

GUDDOOMIYAHA KMG AH EE GOLAHA SHACABKA OO SI WEYN LOOGU DHOWEEYEY MAGAALADA BAYDHABO

Guddoomiyaha Kmg ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wasiirka Gaashaandhigga oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka XDS oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed...