Guddiga Qaban-qaabada Dib-u-heshiisiinta Galmudug oo Baaq u diray dhammaan beelaha Galmudug

Date:

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo maalmahaan socdaal ku marayay deegaannada Galmudug, ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug.

Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka ugu baaqeen in aan la siyaasadeyn gogosha, beelununa  ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa kulamo wadatashi iyo fariin gaarsiin ah la qaatay bulshada ku nool deegaannada ay socdaalka kusoo mareen.

Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa socdaal ku tegay Xeraale, Huurshe, Balanbal, Caabuud-waaq, Gaalkacyo iyo Cadaado.

Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa dhawaan ku dhawaaqay in shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug uu Dhuusamareeb ka furmayo August 05/2019.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka NISA oo howlgal guuleystay ka fuliyay Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC oo laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee dalka DRC Congo

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Tanzania iyo EAC Mudane...

Wasaaradda Ganacsiga oo bogaadisay tallaabada uu Golaha Shacabka ku ansixiyay heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha...

Soomaaliya iyo FAO oo ka wada hadlay sidii laysaga kaashan lahaa mashaariicda mustaqbalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha...