Xaaladda Caafimaad ee Duqa Muqdisho.

Date:

Dooxa (SNTV) Waxaa soo hagaagaysa xaaladda Caafimaad ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo lagu daaweynayo Dalka Qatar.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, kana mid ah Dadkii raacay dhaawacyadii Magaalada Doha loo qaaday ayaa ka warbixisay, xaaladda caafimaad ee Guddoomiye Yariisow.

Waxaa ay sheegtay in ay soo wanaagsanaanayso xaaladdiisa caafimaad, iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay bogsashada Guddoomiye Yariisow, waxaa ay sheegtay in ay dhaqaatiirtu u sheegeen in xaaladdiisa caafimaad ay kasoo roonaanayso sidii uu horay u ahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...