Guddiga dib u heshisiinta Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Date:

Muqdisho (SNTV) Guddiga qabanqaabada shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug, guddiga ayaa halkaasi u tagay in ay la kulmaan Odayaasha iyo wax garadka Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug.

Guddiga ayaa horay u soo maray Magaalooyinka Guriceel, Xeraalle, Ballanbal, iyo Caabudwaaq halkaas oo ay kula kulmeen Odayaasha deegaannadaas iyo guud ahaan wax garadka bulshada, waxaana laga wada hadlay sidii loogu midoobi lahaa shirweynanaha ay qabanqaabadiisu socoto.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka & Dib u heshiisiinta ayaa laba todobaad ka hor magacowday Guddigan, si xal loogu helo dhismaha Galmudug loo dhanyahay isla markaana mideysan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka (GDMSQ),...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa...