Kumuu ahaa Shahiid Cabbdifitaax Cumar Xalane

Date:

Allaha u naxariistee Cabbdifitaax Cumar Xalane, waxa uu ahaa saxafi waxa uuna agaasime ka soo noqday dhowr idaacadood oo ay ku jiraan Radio GoalFM, Radio Mustaqbal iyo Idaacadda maamulka gobolka Banaadir.

Xalane waxa uu sidoo kale soo noqday agaasimaha warfaafinta gobolka Banaadir iyo  Afhayeenka  maamulka Gobolka, ka hor intii aan loo magacaabin agaasimaha howlaha guud ee gobolka.

bilowgii bishan July ayaa Cabdifitaax Cumar Xalane loo magacaabay agaasimaha waaxda nadaafadda ee gobolka Banaadir.

Xalane oo shahaaddada heerka koowaad  ee maamulka ka haystay jaamacadda SIMAD, ayaa ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee dalka u shaqeynayay, waxa uuna maalmihii dambe u ku howlanaa dardargelinta howlaha nadaafadda iyo bilicda gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...