Hirshabelle oo ka tacsiyeysay Qarax ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose

Date:

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku Xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada masuuliyiintii iyo Dadkii Shacabka ahaa ee lagu gumaaday xarunta maamulka gobolka Benaadir, waxaanay Eebbe uga baryeen in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Eebbe siiyo caafimaad taam ah.

“Hirshabelle waxay ka xuntahay oo ay cambaareyneysaa weerarkaasi argagaxiso oo lagu beegsaday Dad wax gal u ah bulshada Soomaaliyeed oo u istaagay in dadka iyo dalka ay u qidmeeyaan, waxaana sidoo kale tiiraanyada la qeybsaneysaa ehellada dadkaasi sida gardarrada ah loo laayay, waxaana kuwa dhaawaca ah uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ay u rajeyneysaa in uu Eebbe caafimaad buuxa siiyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle.

Weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday dhallinyaro fir-fircoon oo door muhiim ka qaadanayay horumarinta Caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...