Xildhibaanno ka tirsan puntland oo sharci darro ku tilmaamay xarigga hawlwadeennada dhismaha Waddada Boosaaso

Date:

Muqdisho (SNTV) 10 mudane oo ka tirsan Xildhibaannada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si wada jir ah u cambaareeyay xarigga uu maamulkoodu kula kacay samafalayaal si tabarucaad ah ugu shaqeynayay Laamiga dhex mara Magaalada Boosaaso.

Xildhibaan; Saadaq Abshir Garaad, oo ka mid ah mudanayaasha baaqa jeediyay ayaa sheegay in sida ku qoran Dastuurka Puntland aan Qofna loo qaban Karin, loo xiri karin loona ciqaabi Karin fal markii uu shaqsigu galo aan dembi ku ahayn sharciga.

“Dastuurka Puntlanna ma qabo, xeer ay Golahayaasha Dowladdu ansixiyeenna ma jiro, mid uu Baarlamanka uu jideyayna ma jiro, in dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya Bulshadu ugu deeqdo ay dembi tahay, ciqaabna looga dhigo maxkamadna lagu geynayo , Ninkii sharcigaa hayaa annaguu noo keenayaa” ayuu yiri Xildhibaan, Saadaq.

Xildhibaannadan ayaa waxay si wada jir ah ugu baaqeen maamulka Puntland in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Dadka xiran, iyagoo sharci darro ku tilmaamay in dembi laga dhigo howlaha samafalka ah iyo dhaqaalaha ay bixisay Dowladda Federaalka.

Puntland ayaa dhowaan Xabsiga dhigtay xubno si mutadawacnimo ah isugu xil qaamay in ay dayactir iyo dhismo ku sameeyaan Waddooyinka dhex mara Magaalada Boosaao, iyaga oo lagu eedeeyay in aysan soo marin maamulka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...