Wasiirka Waxbarashadda XFS oo ka qeyb galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 4-aad ee Dugsiga Shiikh Suufi

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada muqdisho ugu qeyb-galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 4-aad ee Dugsiga Shiikh Suufi oo maanta ay ka qalin jabiyeen arday badan oo qeyb ka ah jiilka dalka loo diyaarinayo in ay wax ku soo kordhiyaan mustaqbalka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay safiirka dalka turkiga u joogo Soomaaliya xildhibaano ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Safiirka dowlada turkiga u jooga Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka Saaxiibtinimo ee ka dhaxeyo Soomaaliya iyo turkiga waxa uuna balan qaday in ay sii wadi doonaan taageerada dhan horumarka ah ee  Soomaaliya ay ka caawiyaan.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa u mahad celiyay Dowlada iyo shacabka Turkiga ee markasta kaalmada la garab taagan Soomaaliya.

“Waxaan ka qeyb-galay munaasabadda qalin-jabinta dufcaddii 4-aad ee Dugsiga Shiikh Suufi oo maanta ay ka qalinjabiyeen arday badan oo qeyb ka ah jiilka dalka loo diyaarinayo in ay wax ku soo kordhiyaan mustaqbalka, Waxaan u mahad celinayaa Waqafka Diyanet ee Turkiga oo suura galiyay in ardaydaan maanta ay qalinjabiyaan” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Horumarka waxbarashada dalka ayaa ah mid muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Ilyas Cali Xasan oo loogu soo dhoweeyay Magaalada Lubumbashi ee Dalka Kongo DRC 

Lubumbashi, Kongo DRC, Oktoobar 23, 2025 – Wafdi uu...

Safaaradda Soomaaliya ee Ankara oo kala hadashay Turkiga Sharciga Deggenaanshaha Soomaalida

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Ankara ayaa bilihii...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud,...