Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ku Baaqay In Wadajir Looga Qeyb Qaato Dib-u-dhiska Galmudug iyo Ka Xoreynta Argagaxisada

Date:

Dhuusamareeb (SNTV)- Bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa duleedka magaalada qado sharaf mahad celin ah ugu sameeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo deegaannada Galmudug u jooga dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Qada Sharafta oo ay soo agaasimeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo xildhibaanadda deegaanka laga soo doorto ayaa dhammaan dadkii ka hadlay waxa ay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo dhismaha  Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahad celiyay Soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ballaaran ee dhammaan reer Galmudug u muujiyeen ayaa bulshada Dhuusamareeb ka codsaday in ay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee kasoo qayb gelaya gogosha dib-u-heshiineed, ayna muujiyaan tanaasul, cid kasta oo tabasho qabtana ay fadhigeeda ugu tagaan oo ay qanciyaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...