Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Soomaaliland

Date:

Muqdisho (SNTV);- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Madaxwaynaha ayaa u magacaabay Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:

1. Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).
2. Dr.Cali Siciid Fiqi.
3. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.
4. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Guddigan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, loona xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, wadaniyadda, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Sidoo kale, Xeerka uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa qeexaya xilka iyo waajibaadka Guddigaan kuwaas oo ah:

1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.

2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.

3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.

5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...