Guddiga Qorsheynta iyo Maaliyadda Golaha Shacabka oo maalintii 3-aad kulan Howleed shaqo ku leh Kigali

Date:

Kigali (SNTV):- Guddiga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo maalintii saddexaad kulan howleed baaxad leh uga socdaa shaqo jooga magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxa ayna si qoto dheer u turxaan-bixinayaan xeerka Istaatistikada Soomaaliya ee hor yaal Golasha Shacabka, kaas oo muhiim u ah aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xeerka Istaatistikada Soomaaliya waxaa ku dul xusan, sida Dhismaha Hay’adda, xubnaha Golaha hay’adda qaabka loo soo xulayo, hanaanka loo aruuriyo Xogta dalka, iyo talaabooyin kale oo horutabin u leh dalkeena.

Kulan howleedkan waxaa ku sugnaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Fahma Axmed Nur,Xoghyaha joogta iyo Agaasimaha Guud ee Istaatstikada.

Agaasimaha guud Istaatiskada Mudane Cabdulraxmaan Daahir Cumar  iyo  Xoghayaha Joogta ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa Guddiga u sharaxay Ahmiyaddaha xeerkan muhiimada siinayo, waxa uu inoo sahli doonaa  helid xog sugan oo dalka dhinaca walbo  laga eegay, tusaale ahaan Kobacaha Dhaqaalaha, xoggaha Arrimaha bulshada iyo heerka shaqa la,aanta iyo qodobo kale oo muhiim.

Guddiga Qorsheynta iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS oo shaqo wanaagsan ka wado hanaanka sharcigan loo dhameystiri lahaa kaas oo  horyaalo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada-oo ay  xildhibaanada ay dul istaagayaan  qodobada sharciga  ku jira, kaas oo Soomaaliya u horseedi doona hanaanka aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...