Md. Dhuuboow ” Xujayda & Shirkadaha diyaaradaha waxay sanadkaan lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada”

Date:

Muqdisho (SNTV)- Wasiir ku xigeenka WasaaraddaAwqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya Md. Cusmaan Aadan Dhuuboow  ayaa sheegay in Qorshaha Xajka ee sanadkaan uu  ka badalnaan doono kii sanadkii aan soo dhaafnay, iyadoo aan ka faa’idaysanayno wax badan oo horay u dhacay,waxaana sanadkii la soo dhaafay, wasaaradda Awqaafta iyo guddiga qabanqaabada Xajka ay dhaqangaliyeen        isbadadallo muuqda oo lataaban karo.

Mudane Dhuuboow oo  faahfaahinayay isbadallada  dhinaca Xajka ee sanadkaan la gaaray ayaa yiri, “Horumarada Sanadkaan aan taabba galinay waxaa ka midah xujayda safaradooda, deegaanada ay degi doonaan xujayda oo ahayd meelo masaaafo ahaan ka fog xaramka waxaan hadda fududaynay inaan u  diyaarinay deegaanno Xaramka u dhow”

Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu tilmaamay in habraaca dhinaca Socdaalka xujayda uu soo maray  heerar kala duwan,xilliggii hore waxay ku koobnayd labada shirkadood ee Daalo iyo Jubba, sanadkii dhawaa waxaa ku soo biiray 3da shirkadood ee Ocean, Afrika iyo Freedom, sanadkaana waxaa xujayda u adeegi doona 11 shirkado diyaaradeed.

Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. waxaana kor loo qaaday lana fuudeeyay Socdaalka martida Alle  ugu baqoolayaan Goobaha barakaysan

Md.Dhuuboow mar uu ka hadlay adeegyada muhiimka ee wasaaradda  Awqaafta iyo arimaha diinta u qabatay xujayda wuxuu tilmaamay in xafiiska wasaarada lagu daabici doono viisaha taasi oo uu sheegay inay dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda soomaaliyeed.

Sidoo kale mudane Dhuuboow wuxuu sheegay intirada xujayda Soomaaliyeed ka xajinaya gudaha dalka in ay sanadkaan gaarayaan Kow iyo toban kun iyo shan boqol oo xaaji,(11500) kuwaasi oo dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda diinta iyo Awqaafta u diyaarisay adeegyada muhiimka ah ay u baahan yihiin

Wasiirku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkan shirkadaha diyaaradaha iyo xujaydaba ay lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada,arintaasi wax wayn ka badali doona dhibaatooyinkii jiray, islamarkaana lacagihii gacanta lagu qaadi jiray ay mari doonaan nidaam Bangi

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr....

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf...