Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dhallinyarada Gaalkacyo Kala Hadlay Dhameystirka Hey’adaha Dowladeed ee Galmudug

Date:

SNTV:- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada.

Kulanka ayaa looga hadlay doorka dhalliyaradu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska Galmudug iyo guud ahaan dalka, mideynta awoodda dhallinyarada iyo u diyaarinta dhallinyarada hoggaaminta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u sheegay dhallinyarada in magaalo iyo deegaan kasta oo uu tago uu kulanka ugu horreeya la yeelanayay dhallinyada oo muhiimad gaar ah uu siinanayay isaga oo sababtu ku sheegay in dhallinyaradu yihiin hoggaanka mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay in ay sii ogaadaan fursadaha iyo caqabadaha, fikirkoodana ay ku biiriyaan hannaanka horumarinta qaranka.

Dhalinyarada uu Gaalkacyo kula kulmay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay in ay is  abaabulaan, muujiyaan cududdooda si ay iyagu u doortaan hoggaankooda mustaqbalka, waxa uuna kula dardaarmay in is abaabulka ka billaabaan Gaalkacyo kadibna ay ku xirmaan dhalliyarada deegaannada ku xeeran si ugu dambeyn loo helo cod dhallinyaro Soomaaliyeed oo mideysan, kana madax bannaan kooxeysi iyo qabiileysi, looguna wada istaago danta guud.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo dhallinyarada Gaalkacyo ayaa qayb ka ahaa kulamo xiriir ah oo uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre deegaannada Galmudug uu kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada si ay taladooda ugu daraan qorshaha dhismaha Galmudug dhammeystiran, loo dhanyahay, kana shaqeysa danaha reer.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Baarlamaanka oo sheegay in kalfadhiga 7-aad furmi doono 20-ka bishan

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxa EUCAP ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Muqdisho oo laga furay aqoon is waydaarsi ku saabsan horumarinta adeegyada Dowladda

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xirsi Gaani...

Ceeldheer ciidanka xoogga oo weli ururinaya maydadka khawaarijtii lagu laayey dagaalkii shalay

Ceeldheer Ciidamada Xoogga Dalka ayaa daafaha magaalada Ceeldheer ee...