Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah faahin ka bixiyay Qarax lagu fashiliyay Muqdisho & argagixiso la toogtay

Date:

SNTV:- Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa faah faahin ka bixisay Qarax ay ciidamada amniga ku fashiliyeen magaalada Muqdisho iyo labo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu dilay bar koontarool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.

Sareeye Guuto Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo horay ula socday xogta Qaraxa ay fashiliyeen gaari Qarax oo la rabay in lagu waxyeeleeyo shacabka,wuxuuna dhagar qabanaha isku dayay inuu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran ciidamada ammaanka.

“ Hay’adaha Amniga oo xogta qaraxa horay ula socday ayaa manta fashiliyay qaraxa la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo, dhagar qabaha ayaa is ku dayay in uu gaariga xoog ku soo jiirsiiyo goob u xiran Ciidamada amaanka, waxaa hay’adaha amaanka u suurtagashay in ay xiraan goobtaas shacabkana ay ka fogeeyaan qaraxa ka hor. Nasiib wanaag wax dhimasho iyo dhaawac shacab ah kama aysan dhalanin qaraxaas,” ayay tiri Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed.

Dhanka kale waxeey Ciidamada amniga dileen labo ka tirsan argagixisada Al Shabaab oo isku dayay in ay xoog ku soo maraan bar kontrool oo ay ciidanka ku leeyihiin Seybiyaano ee degmada Hodan.

Ugu dambeyntii,Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boolska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakaye Xuseen Axmed ayaa si gaar ah ugu mahad celisay Shacabka Xogta la wadaagay Hay’adaha amniga ka dib markii ay Hay’adaha amniga horay digniin uga bixiyeen gaariga maanta Qarxay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...