Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah Dhuusamareeb Uga Billaawday Diiwaan Gelinta Ciidanka Ahlu Sunna

Date:

Khamiis, July 04, 2019—Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga bilowday diiwaan gelinta ciidamada Ahlu Sunna si ay uga mid noqdaan ciidanka qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo qayb galay Munaasabadda daah-furka qaramaynta iyo diiwaan gelinta ciidanka dowladdu ay kala wareegtay Ahlu Sunna, ayaa u mahadceliyay Ahlu Sunna iyo guud ahaan hoggaanka Galmudug, waxa uuna sheegay in Galmudug ay direyso farriin cad oo ah in ay astaan u tahay qaranka iyo dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in munaasabadda maanta Dhusamareeb ka dhacday ay farriin u dirayso kooxda Kharaarijta ah, isaga oo ugu baaqay shacabka hubka heysta in ay ku daydaan Ahlu Sunna oo ay hubka ku wareejiyaan dowladda, si loogu isticmaalo difaacidda qarannimada.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa caddeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyo uu xuquuqdiisa ka helayo dowladda Soomaaliya, saraakiisha ciidanka Ahlu Sunna iyana ay kamid noqonayaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka, ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu u dirto in ay ka shaqeeyaan.

Ciidamada Ahlu Sunna ee diiwaan gelinta maanta lagu billaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay ciidanka qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan welinta habka Bio-metric kaas oo horseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxa fulinta Ahlu sunna, xildhibaanno, wasiirro, wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya, Francisco Madeira, iyo ergayga gaarka ah ee IGAD, Mohamed Ali Guyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda kadib kormeeyay xarumo ay ka billaabatay diiwaan gelinta ciidanka, waxa uuna faray mas’uuliyiinta ku howlan in sida ugu dhaqsaha badan ay shaqada ku qabtaan, si ciidanku ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaannada cadawgu uga suganyahay dalka.

—DHAMMA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...