Kooxda la magac baxday macawiisleyda ee ka howl gasha deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegtay in howlgal ay ka sameeyeen deegaan hoos yimaada tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadalle ay argagixisada Al-Shabaab uga soo furteen 11 caruur ah oo silsilado iskula xiran kuwaasoo ay si qasab ah uga soo kaxeysteen waalidiintood.
Maxamuud Cali Afrax oo ka mid ah masโuuliyiinta kooxda Macawisleey ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkan ay fuliyeen kaddib markii ay ka warheleen xaaladda caruurtaasi.
โWaxaan kawar helnay inay jiraan caruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen, carruurtaas waxaa ay isku dayeen inay ka soo baxsadaan Al Shabaab balse markii ay kawar heleen baxsashada carruurta lugaha ayey silsilado uga xireen si-yasan u baxsan, dhankeena waan kawar helnay arrinkaas waana u gurmay waana soo furanay carruurtii balse hadda waxaan latacaaleynaa sidii silsilada carruurta looga furi lahaa labo labo ayey isugu xireenโ sidaas waxaa sheegay Maxamuud Cali Afrax oo kamid ah Macawiisleyda dagaalka kula jira Al Shabaab.
Arintan ayaa qeyb ka ah tacaddiyada iyo gaboodfallada ka dhanka ah baniโaaddanimada oo maleeshiyaadka Al Shabaab looga bartay in ay kula dhaqmaan Shacabka Somaaliyeed