Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka Jaray Waddooyin Muhiim u ah Bulshada Caasimadda “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay waxa uu xariga ka jaray laba waddo oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo dib udhis lagu sameeyay.

Waddooyinka xarrigga laga jaray ayaa kala qeybiya degmooyinka Cabdicasiis iyo Shangaani ee Gobolkan Banaadir, waxaana dhisay Maamulka Gobolkan Banaadir.

Dayactirka waddooyinka ayaa qeyb fududeeyn doonaan habsami u socodka wadada ee gaadiidka kala duwan ee isaga kala goosha degmooyinka ay waddooyinkani ku dhexyaalaan iyo sidoo kale bilicda Caasimadda.

Munaasabadda xarigga looga jarayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobalkan Banaadir Cabdiraxman Cumar Yariisow iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Max’ed C/laahi farmaajo uu ugu magacdaray mid kamid ah wadooyinka xarriga laga jaray gabyaagii weynaa abwaan Cabdullaahi Suldaan Tima-cadde.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...