Madaxweyne Farmaajo oo Ka Guddoomay Suldaanka Cummaan Hambalyada Todobaadka Xorriyadda

Date:

Muqdisho (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka Guddoomay walaalkiis Suldaanka Saldanada dalka Cummaan Suldaan Qaabuus Binu Siciid hambalyo ku aaddan sannadguuradii 59-aad ee xornimada dalkeenna.

Dhambaalkan hambalyada ah ayaa ku wajahan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoona lagu sheegay in walaalaheenna dalka Cummaan shacab iyo Dowladba ay ina la qeybsanayaan farxadda maalmaha xurriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Suldaan Qaabuus Bin Siciid bogaadinta iyo rajadiisa ku aaddan Soomaaliya oo horumar iyo barwaaqo ku tallaabsatay ee uu u soo diray dowladdeenna iyo shacabkeenna.

Madaxda dalalka aan walaalaha iyo saaxiibbada nahay ee caalamka ayaa la wadaagaya Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hambalyada Todobaadka Xorriyadda ee 26-ka Juun – 1-da luulyo, taas oo ka tarjumaysa dib u kabashadeenna dowladnimo iyo doorka muhiimka ah ee aan ku leennahay Gobolka Geeska Afrika.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...