Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Xuska maalinta Xornimada Goballada Waqooyi

Date:

Dhuusamareeb (SNTV)—Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo bulshada magaalada Dhuusamareeb kala qayb galay munaasabadda xuska sannad guurada 59-aad ee xorriyadda goballada Waqooyi ee dalka, ayaa hambalyo u diray ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in 26-ka June oo ah maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dhulka Soomaaliyeed, ay tahay maalin ku wayn ummadda Soomaaliyeed, ayaa dadka Soomaaliyeed xasuusiyay in dhiig badan lagu bixiyay xornimada aan maanta ku naalloonayno, waxa uuna u mahad celiyay cid kasta oo qayb ka qaadatay in dadka Soomaaliyeed ay ka xoroobaan gummaystaha.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay in aysan kala maarmin Soomaali ayaa ku baaqay in la adkeeyo midnimada, isaga oo intaa raaciyay in hoggaanka dalku ay ka garaabayaan tabashooyinka ay qabaan deegaannada goballada waqooyi ee dalka.

June 26, 1960 ayaa goballada waqooyi ee dalka waxa ay xornimada ka qaateen gumeestihii Ingiriiska afar maalin kadib oo ku beegneed 1-da July, goballada koonfureed ee dalka ayaa iyana waxa ay xornimada ka qaateen Talyaaniga iyada oo isla maalintaasna midoobeen goballada waqooyi iyo Koonfur.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Maxkamadda Sare ee Dalka oo ansixisay natiijada Doorashada Golaha Deegaanka G/Banaadir

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama...

Madaxweynaha JFS oo Xarigga ka Jaray Dib u Dhiska Waddada Isku Xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay Ka Qayb Gashay Shirka Xuquuqda Aadanaha ee IGAD

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka...