Ciidanka DANAB oo dib u howlgelinaya Ceelbiyood maleeshiyada Al-Shabaab ka gubeen dadka deegaanka Ceel-saliini

Date:

Muqdisho (SNTV):- Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa qorsheynaya iney dib u howlgeliyaan Ciil-biyood ku yaalo deegaanka Ceelsaliini oo Kooxda Nabad-diidka Al-Shabaab ay ka gubeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka Ceel-saliini ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ka biyo diiday iney baad-siiyaan maleeshiyada Al-Shabaab,taas badalkeedan waxay Kooxda argagixisada gubeen Ceelkii Biyaha ay ka cabi jireen dadka deegaanka oo awalba la daala dhacayay dhibaatooyin kale oo dhanka nolosha ah.

Gaashaanle C/raxmaan Sheikh Cumar (Jini-qaar),taliyaha Ururka 4-aad ee Ciidanka DANAB oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay iney ku dadaali doonaan dib u howlgelinta Ceelka Deegaanka Ceel-salliini oo ay maleeshiyada Al-Shabaab gubeen.

“ Waxaan qabanay deegaanka Ceel-saliini oo u ahayd argagixisada taliskooda Guud,markii ay isku dayeen in shacabka lacago baad ah ka qaadaan shacabkiina uu diiday waxay ka gubeen Ceelbiyoodkii dadka ay biyaha ka cabi jireen,waxayna ku kalifeen dadka iney ka barakiciyaan deegaanka oo dhan,dadka Ceel-saliini ku nool waxay u aroor tagaan deegaanka N.50,inshalah waxaan ku dadaaleen inaan si deg deg ah u sameynayo Ceelbiyoodka shacabkeenna Soomaaliyeed,”ayuu yiri Taliye Jini-qaar.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ururka 4-aad ee Ciidanka DANAB Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidanka ku sugnaan doonaan dhammaan deegaanadii laga saaray gacanta cadowga ummadda Soomaaliyeed,islamarkaana ku dadaali doonaan sidii shacabka nolol wanaagsan u heli lahaayeen.

Deegaanka Ceelsaliini wuxuu 20-km dhanka Waqooyi kaga beegan yahay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose,wuxuuna isku xiraa deegaanada Dhannaane,Gandarshe, N.60 iyo Deegaano kale,sidoo kalena wuxuu marin muhiim u ahaa maleeshiyada Al-Shabaab oo ka soo abaabuli jiray falalka guracan ee lagu gumaadayo Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...