Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan La Qaatay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Maalamaha Xorriyadda Iyo Midnimada

Date:

Muqdisho (SNTV)–Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xarunta wasaaradda warfaafinta kula kulmay guddiga abaabulka xuska munaasabadda maalmaha Xorriyadda iyo midnimada ee 26 June iyo July 01.

Guddooomiyaha guddiga ahna wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliye, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in shirkooda looga hadlay dardar-gelinta qorshaha u diyaar garowga xuska maalmahaan muhiimka u ah dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, ayna Ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigeen qorshahooda waynaynta munaasabadda oo wax badan ka duwan hannaankii loo qaban jiray sannaddihii hore.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in guddigu ay shaqo wanaagsan qabteen wixii ka dambeeyay maalintii uu Ra’iisul wasaaruhu u magacaabay ka shaqaynta xuska sannad guurada 59-aad ee xornimada dalka, sannadkaanna xuska lagu qaban doono gooba kala duwan .

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bogaadiyay qorshaha guddiga ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan in munaasabadda xusku ay ku dhacdo qaabka ugu wanaagsan ee loo wayneyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa June 09, 2019 magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya oo ka kooban wasiirrada Warfaafinta, Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada & Ciyaaraha, Haweenka, Iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...