Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Muwaadiniin Guryahooda Sifo sharci darro ah looga heystay Dib ugu celisay.

Date:

Muqdisho (SNTV)- Muwaadiniin Soomaaliyeed oo looga heystay guryahooda sifo sharci darro ah wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladii dhexe ayaa maanta laba kamid ah qoysas sugaya fullinada Maxkamadda Gobalka Banaadir lagula kala wareejiyay guryahooda oo ku kala yaalla degmooyinka Dharkenley iyo Kaaraan .

Maamulada degmooyinkaas, ciidamada Amniga ee loo Xilsaaray fullinada Maxkamadda Sargaal uqaabilsan gobalka howlaha fullinta iyo guddoomiyaha Maxkamadda ayaa goob joog u ahaa hubinta in lagu simo guryahooda si nabad galya ah muwaadiniintan loo awood sheegtay.

Garyaqaan Muuse Macalin Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray kuwa ku howlan marin habaaninta hey’adaha cadaaladda, isaggoo Dhinaca kale  ugu baaqay haldoorada bulshada in ay ka qeyb qaataan wacyi-gelin dadweynaha.

Saado Cali Ibraahim iyo Caaisha Sheikh Abuukar ayaa ka mahad celiyay kaalinta Dawladda ka qaadatay dib uhanashada hantidooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi...

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii...