Baarlamaanka Carabta oo Kenya ugu baaqay in ay Faraha kala baxdo Biyaha Soomaaliya

Date:

Qaahira-(SNTV)-Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed.

Baarlamaanka Carabta ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada beenta ah ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku calaamadaysato Baadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu Baarlamaanka Carbeed ka hor yimid Fara gelinta arrimaha Soomaaliya iyo in lagu xad gudbo arrimaha gudaha ee Dalkeeda,mabaadii’da deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale Dowladaha Carbeed ugu baaqay in ay Soomaaliya Garab istaagaan, oo dedaal ugu jirto sugidda amniga iyo sidii ay u cirib tiri lahayd argagixisada.

Bayaanka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta oo turjuman ayaa u qornaa sidan.

Baarlamaanka Carbeed waxa uu taageerayaa Jamhuuriyadda Soomaaliya si loo dhowro midnimadeeda, nabadgelyadeeda, deganaanshaheeda, bedqabka dhulkeeda, xorriyaddeeda, milgaheeda, Beri, Bad iyo Cir , waxa uu ugu baaqayaa Kenya in ay faraha kala baxdo Biyo Goboleedka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo ah qeyb aan ka go’ayn biyaha Carbeed oo lama taabtaan ah, waxa uu ku gacan seyrayaa sheegashada beenta ah ee ah calaamadeyn cusub oo raad lahayn, xaqiiqdana ka fog, sidoo kale waxa uu ganafka ku dhufanayaa hanjabaadda faragelin ee Kenya ee arrimaha gudaha Soomaaliya iyo ku tumashadeeda mabaa’diida deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga.

Baarlamaanka Carbeed waxa uu ugu baaqayaa wadamada Carbeed ee xushmadda mudan in ay garab istaagaan Jamhuuriyadda Soomaaliya oo tallaabooyin wanaagsan u qaadaysa dhinacyada ammaanka, deganaanshaha iyo ka takhalusidda argagaxisada iyo waxyaabaha ka hor’imaanaya xuquuqul insaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....