Duqa Muqdisho oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyey Guri muddo ka maqnaa

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng;Yariisoow) ayaa muwaadin Soomaaliyeed ku wareejiyey Guri uu lahaa oo laga haystay muddo 28 Sano ah.

Guddoomiyaha oo furaha gurigaas ku wareejiyey muwaadinkii lahaa , ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo Adduunba sugaysa Dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda.

“Cidna si sharci darro ah uma haysan karto muwaadin kale hantidiis, maamulkan tan iyo markii aan nimid waxaan ku guuleysannay soo celinta hanti ay lahaayeen muwaadiniin, kuwaas oo Dadkii haystay ay si mutadawicnimo ah usoo wareejiyeen, balse arrinta maanta waa ay ka duwan tahay oo maxkamad iyo xabsi ayey gaartay.”

Eng; Yariisow ayaa sheegay in muwaadinkii gurigan sida sharci darrada ah u haystay oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska la horkeenayo Maxkamad, lana marsiin doono hannaanka sharci ee uu mudnaa.

Dhankiisa, Eng.Cali Maxamed Baare oo ahaa muwaadinka lahaa mulkiyadda Guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dedaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen dib u soo celinta hantidaasi ka maqnayd 28-kii Sano ee lasoo dhaafay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeedayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ballaaran

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane...

Ciidamada xooga dalka ayaa si buuxda ula wareegay jabad -godane

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka...

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...