Wasiir Cawad oo la kulmay Jaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka

Date:

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka Mudane Amb. Ahmed Ciise Cawad   ayaa kulan la qaatay  qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed,qaybaheeda kala duwan & Madaxda Gobolka Minnesota,wuxuuna wasiirku uga war-bixiyey xaaladda  dalka & guulaha laga gaaray arrimaha Siyaasadda,Ganacsiga & xariirka caalamiga ah.

Kullankaan oo ay iskaashadeen hay’adda Global Minnesota oo ah Hay’ad ay kullansadeen ganacsatada Gobolka  & Jaamacadda Augosburg ayaa waxaa wasiirka Su’aalo  laga waydiiyey Xaaladda dalka,isagoo jawaabo waafi ah ka siiyey dadkii goobta ku sugnaa.

Xaamud Maasheeye Wasiiru dowlahihi hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladdii uu gar wadeenka ka ahaa Madaxweyne Sheikh Shariif ayaan wax ka waydiiyey kullanka.

Khadiijo Cali oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota kana tirsan hay’adda Global Minnesota ayaa war-baahinta qaranka uga war bixisay sababta ku dhalisay shirkaan uu martida ku ahaa Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Somalia.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa Xusay doorka ay  jaaliyadda Soomaaliyeed ku leedahay dib-u-dhiska Somalia,kulana dar-daarmay in ay tallo,Toosin & tabarucaadba uga qayb-qaataan kalin mug & miisn ba leh.

Abdihakim Abdi Ismail Warbahinta Qaranka Minnesota Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...