Wasiirka Warfaafinta XFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney ka shaqeeyaan Nabadgelyadda.

Date:

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ciideysanaya ugu baaqay, iney ka shaqeeyaan nabad gelyada dalka ayna lashaqeeyaan Ciidamada qalabka sida.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladu ay tahay adeegayaal u shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in ay u taagantahay in Shacabku ay helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin sida, Waxbarasho lacag laโ€™aan ah, Caafimaad iyo adeegyada kale, isagoo xusay in ay dowladu ay ku dadaaleyso sidii muwaadin kasta meel walba uu tagyo loogu xushmeyn lahaa Soomaalinimada.

Iyadoo maanta ay tahay maalinta labaad ee Ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka si weyn uga socda dabaal degyada lagu soo dhaweeynayo maalinta labaad ee Ciida, waxaana ammaanka si weyn u adkeeyay Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...