Tartamayaasha Xamar Jajab oo caawa ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)– Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa kama dambeysta ah (Final-ka) ku tartamay Degmooyinka Xamar Jajab iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab iyo Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan.

Xamar Jajab

Tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, iyagoo iska qalday Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kismaayo sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay  labo iyo toban (12) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddexsu’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 31aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka, isla markaana ahaa kulankii kama dambeysta ah waxaa caawa ku guuleystay tartamayaasha Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, halka Kismaayo ay gashay kaalinta 2aad, waxaana kaalinta saddexaad ee tartanka ku guuleysatay Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Dr. Badr...

Wasiiru-Dowladaha Gaashaandhigga oo la kulmay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Qatar

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, ayaa...

Somalia Reaffirms Commitment to Journalist Safety and Ending Impunity Amidst New Digital Threats.

The Federal Government of Somalia has forcefully reaffirmed its...

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2026

Shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha...