Ra’iisul Wasaare Khayre oo Guddoomiyay Shirka Tubta Guud ee Gobalka Banaadir”Sawirro”

Date:

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta guud ee gobalka Banaadir oo lagu qabtay xarunta maamulka gobalka Banaadir.

Shirka oo looga hadlay dar-dar gelinta qorshaha adkaynta amniga iyo sare u qaadidda bilicda caasimadda, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu kusoo bandhigay wixii uu magaalada kusoo arkay intii uu ku jiray kormeer uu ugu kuur gelayay heerka uu gaarsiisanyihiin amniga iyo nadaafadda degmooyinka gobalka Banaadir.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha xoogga, guddoomiyaha gobalka, kuxigeennadiisa, taliyayaasha ciidanka xoogga, booliiska iyo Asluubta ayaa si qota dheer looga hadlay in dhammaan dhinacyadu iska kaashadaan sidii amniga loo gaarsiin lahaa heerka ugu wanaagsan si looga hor tago falalka gurracan ee kooxaha argagaxisadu ku beegsadaan bulshada Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale looga dooday nadiifinta caasimadda iyo sare u qaadidda bilicda si bulshada ku nool ay ugu ciidaan magaalo qurux badan oo aan qashan la hayn, waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray maamulka gobalka iyo dhammaan hay’adaha kale in ay si is-xilqaan ah ugu istaagaan hagaajinta nadaafadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyayaasha degmooyinka gobalka ku dhiirri geliyay in ay si gaar ah isaga xil saaraan nadaafadda degmooyinka ay madaxda ka yihiin, isaga oo u ballan qaaday maamulkii nadaafadda degmadiisa hagaajiya in abaal marinno uu ku farxo la guddoonsiin doono.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulanka kadib waxa uu kormeeray bangiga dhexe iyo dekadda Muqdisho si sare loogu qaado isla xisaabtan, daah-furnaanta iyo hufnaanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...