Ciidamada ilaalada xeebaha Malta oo badbaadiyay Boqolaal ruux

Date:

Ciidamada ilaalada xeebaha Malta,ayaa badbadiyay 216 –ruux oo isugu jiray Qaxooti iyo Muhaajiriin,ka dib kolkii iyagoo la socda laba dooni laga helay Badweynta Mediterranean-ka ee kulaasha Jasiiraddaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in maalinimadii Jimcaha labadaasi dooni laga soo qabtay meel Koonfur kaga began Malta,ka dib howlgallo  ay ku dhaqaaqeen kooxo heegan ah.

Dadkaasi la badbaadiyay ayaa lagu waramay in ay ka mid ahaayeen Haweeneey uur leh iyo Caruur,kuwaas oo illaa hadda aan la xaqiijin dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Cimilada oo degan aawadeed ayaa sababtay in labadii cisho ee u dambeeyay ay bataan dadka ka soo hayaamaya dalalka Libya, Tunisia, iyo Algeria,waxaana magaalooyinka Sicily, Sardinia, iyo Lampedusa gaaray 12 dooni oo ay la socdeen qaxooti iyo dad Muhaajiriin ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...