Kumuu ahaa Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye?

Date:

Allaha u naxariistee Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ka mid rug caddaayaashii iyo khubaradii siyaasadda iyo qorsheynta dalka ayaa maanta ku geeriyooday qarax argagixisada Alshabaab ka geysteen Muqdisho.

Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Xanaanada Xoolaha, Daryeelka Naafada iyo Agoonta iyo kuwa kale. Waxaa uu waqtigiisii nolosha ugu dheeraa uu geliyay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo uu ka shaqa bilaabay isagoo da’yar ah, kana gaaray xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, waxaa lagu xusuustaa dejinta Qorshayaasha Qaranka ee horumarinta iyo tirakoobka dadka.
Marxuum Ceelaabe oo noqday Wasiirka 13aad ee Arrimaha Dibadda ayaa ka mid ahaa xiliyadii dambe Guddi sare oo lataliyaal ah oo u xilsaaran dib-u-habeynta iyo horumarinta Siyaasadda Debadda. Marxuumka ayaa ahaa siyaasi, macallin, barbaariye iyo qof saaxiib la ahaa bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo ardayda ka caawin jiray fahamka cilmiga tirakoobka “Statistics”.
Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows, qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...