Wasiirka Maaliyadda oo sheegay inuu gabagabo marayo Tirakoob ay ku sameynayaan hantida guud ee Dowladda

Date:

Muqdisho (SNTV) Shir saxaafadeed uu Muqdisho uga qabtay Warbaahinta Wasiirka Maaaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr abdiraxman Ducaale Beyle ayuu kaga hadlay tirakoobka Hantida ummadda, Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada hadalka deyn cafinta iyo Muhiimada ay leedahay isku tashiga Umadda.

Wasiirka ayaa ugu horeyn dul istaagay Warbixinta ugu dambeysay ee Hey’adda lacagta aduunka ka soo saartay Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee ka gudbida Wajiga Sedexaad ee Barnaamijka.

“Waxaan maanta ummadda  Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba la wadaagay faah faahinta warqadii ugadambeysay ee ka soo baxday ‘IMF’   International Monetary Fund, anigoo hore idiinkugu sheegay 9kii bishaan in ay soo bixidoonto Warbixintaan oo ka koobneyd Amaan iyo Bogaadin tilmaameysay horumarka Maaliyadeed ee Dalka ee aan gaarnay”.ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale soo hadal qaaday tirakoob ay Wasaaradda ku hayso hantida ummadda waxaana uu sheegay inuu gabagabo marayo.

Wasiir Beyle ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fakaraan amaanka hantidooda waxaana uu tilmaamay in halka ugu wanaagsan ay tahay in waddanka kooda ku malgashadaan si ay ugu badbaado bulshadana uga faa’iido.

“Dhanka kale waxaan Dadka Soomaaliyeed u sheegay in baahi weyn loo qabo in ay Maalgalin ku sameeyaan Dalkeena Soomaaliya oo ay Muruqooda, Maskaxdooda iyo Maalkoodaba u huraan, sidoo kale waxaan Baaq iyo dhiiri galin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool in ay hantidooda ilaashadaan oo meel amaan ah ku hubsadaan”.ayuu yiri Wasiirka.

In badan oo ka mid dadka wax heysta ee Soomaaliyeed ayaa ganacsiyo ka sameeyay dalal badan oo dunida ah gaar ahaan qaaradaan Afrika waxaana ay la kulmaan dhibaatooyin joogta  oo isugu jira dil, dhac iyo boob waxaase la isweydinayaa waqtigaan oo dalkoodu soo kabanayo maxaa ka hortaagan  inay ku ku soo noqdaan waddankooda oo  maalgalinta uga baahi badan, hantidooda ugu amaan badan dalalka ay ganacsiyada ka sameeyeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...